Halqabsi
Halkan RIIX website-ka Cusub..Ogsoonow weli waa qabyo'e

http://www.hoygasuugaanta.com
Salaan Carrabey
Waxba yaanu xeerkay i marin xoolona i siine
Xaashee nin libin kaa xistiyey xumihi waa yaabe
Dumarkuba xublada foosha way xanaf wareeraane
Balse inay xusuus daran yihiin xaylka kale mooge
Shansho Adhiba Shirixaa danbaa shuxa abiidkiise
Shahwo oday ka qaaliban abitiga shaashadiis xumiye
Wax libaaxu dhacadiidiyaa gool u dhays bidaye
Goortuu dhergaabuu dugaag ugu dhawaaqaaye
Ragbaa libinta maantuu dharqado dhaata abidkiise
Isagoo dhantacay faarax nuur dhuda ma luuqeeyey
Afku wuxu la xoog yahay magliga xawda kaa jara'e
Haddaad Dhimato Geeridu marbay nolosha dhaantaaye
Dhaqashiyo marbay kaa yihiin dhereggu xaaraane
Dhadhan malaha aadmigu wuxuu kugu dhalliilaaye
Dheddigaansho waa ceeb inaad dhamagsataa meele
Nin dharbaaxo quudheed dugsaday dhaqayaded maalye
Dhashaaday sugtaa xaajadaad dhawrataa abade
Lamaanan xadhig loo tidcay lugi ka doogtaaye
Lufanbaa ka hadha dawliskii liilsamaan jiraye
La'da xarafka laankiyo ba'daan looyar ku ahaaye
Mar hadduu Lillaahida ka baxo waa lisaan jabane
Lafta dhabar laxaadka i debcay iyo laafyihii gacanta
Lubbigeygu leyl xalay ma ledin laadadyiyo taahe
Waa taas lanleemada indhaha aragu liitaaye
Liiqliiqad baan ahay sidii lulo dabayleede
Haddaan luqunta beri taagi jirey liicday adhaxdiiye
Nin laboonti sheegtaba sabaan laarriyaa heliye
Aduunbaa hayaayda u guntane heeryo lagu saarye
Haddaad ficil hinaasiday asaad hilin kari weydey
Ma afkaad ku hawl bixi cidlaad ka hanjabaysaaye
Hebednimada qaarkeed aday kuu hed noqotaaye
Nimanbaa maroodiga hunduda haamahuu sida'e
Hayinnimo kolkii lagu arkay haraga saareene
haaraanka iyo faanka wayska hidda raacdeene
Dahabooy waxaad iigu dudi waan ku duungaranne
Dabro oday ma laasimo hadduu dooxanaa rido'e
Dedaalkiisu waa kol iyo laba inu ku duukhaaye
Gabadh waliba waa hooyadeed tay u gurataaye
Goonbaartu waxay caasidaa midaanay gaadhayne
Ma gudboona gaarida sare iyo gibirta naaxdaaye
Ragna guudka waysaga eg yahay goynse kala roone
Gobannimo dhammaanteed haddii laysu wada geeyo
Ma gudboona geesiga hanta iyo gocorka caayaaye
Hadday beladu kugu goonni tahay waad ka gubataaye
haddii uu garkaa maro Ratigu ama gugii qooqo
Isagoo gulaanjiyey cidlada wuxu ka guuxaaba
Markuu Godoxoblaha Baarqab helo gadan bidhaantiiye
Sacba waxa gunnada loogu dhigay yuu gardiiddamine
Haddii aan Gandaa lagu sabayn Gocay ma buuxsheene
Nin gargaari jirey naagahaa gaba abiidkoode
Gaardiga sarkaalkuba ma ledo gaar habeennimo'e
Nin Isaaqa godobtii bartaan gaadhka ka hayaaye
Gujiskii baddaan uga dhignahay gebiga Daaroode
Inkastuu garmaamiyo gucliyo gaaguf ula joogo
Gurdan Baqal fardaha gaadhi waa lugana kaa geeye
Caddad maleh rijaal ladan intay calal ku duubeene
Oo ay meel cabbaar loo qodqoday kaga carraabeene
Oon Camalka mooyee Qabriga cid uga yeedhayne
Cankabuudka caaradu xidhee lagu cayaaraayo
iyo wiil cartiis qaba intuu amar la ceeryoomay
Cindallaahi waa siman yihiin waana laba cayne

FAARAX NUUR
Qosol beena fool wada qayaxan qiil an garanaayo
Booraan afkii laga qafilay qabarna hooseeyo
Maanaa mindiyo lay qarshaa laygu qali doono
Lix halkaa ku joogtaan dagaal laabta ka ogaada
Luquntana haddii laydin jaro lugaha meermeersha
Kun la dirira idinkoo kontona waydin kaafiyi'e
Haddaan Arab waxaa yeela iyo waano kala quustay
Sow inaan dantay waarriyaa igu wanaag maahan
Gal Dad-liqa Ulbaa lagu dayaa laga danbeeyaaye
Qaabiilba Haabiil markuu qoonsaduu dilaye
Maxamed Aadan Caws "YAWLE"
Allaylehe Isaaqbaa mulkiyey maaxdi caynaba'e
Kunbaa lala dilee aabbahay keligi maahayne
Bal cibaaradaa daya nabsiga looma caal helo'e
Gacmahuu isaga hiiliyaa gacal walaalii dheh
Caynaanshe habar Yoonistuu ciili jirey waaye
Hadba dunida duulbaa cammira caydh ahaan jiraye
Miyaanaan Caddaan iyo madaw uunka wada ciilin
Maxamed Nuur FADAL
Leg ninkii cunsiiyay dishaa liidda doqoneede
ladnaantiyo nimcadu uunka way wada lugoysaaye
Waa waxa rag igu laacayaa laxam dhaqaaqaaye
Dadku dhoobi iyo ciidan waa saad u dheregteene
Dhibbaa lagu qabaa xoolahaw dhacan ahaydeene
Dhamaasay qabaan duul haddii dhiil ku buuxsamo'e
Dhul aynaan arkaynbaa hillaac uga dhawaaqaaye
Ninkii Baha Xabuusheed arkaa baadha dirirteeda
Basarkii Qureyshta iyo sidii Beder na faalleeye
Nagase badi Isaaq beenta iyo boolo-xooftada'e
Waxan nahay rag lagu beegi jirey Boqol ninkoodiiye
Irbad dhuub ma gelisaan afkuna waydin dheer yahaye
Cilmi Ismail Liibaan  "BOODHARI"
Caashaqa haween waa horaa Caadil soo rogaye
Seyidkii Cirshiga fuulay iyo Caliba soo gaadhye
Soomalidaa Caado xune iguma caydeene
Oo ima canaanteen sidaan cuud ka iibsadaye
Sidii  aad go'aygii tahay iyo macawistaan goostay
Ama aad godkii aakhiriyo geeri iga baajin
Gardarriyaa maxaan Hodan Cabdaay kaaga go'i waayey
Sida geel harraadoo wax badan hawdka miranaayey
Oo hoobey loo qaadayiyo hadal walwaaleedka
Kolkaad Hodan tiraahdaanba waan soo hinqanayaaye
Ayadoon xabaal lagu ham siin waanan ka hadhayne
Hadhka galay hurdadu wa xuntee hohey maxay sexshey
Dhulka waxan xariiqaa siday dhiillo ii timiye
Cumar Xuseen "Usteelie"
Dhool caano laga soo lisay oo yare dhanaanaaday
Nin dhadhamiyey waa garanayaa dhulay qaboojaane
ragga laxaha sii dhawrayoow dhaqasho waa geele
  Cali Jaamac HAABIIL
Ma talyaanigaasaa Mahdiya tanina waa yaabe
Tacabkii be' waa sida fircoon tab iyo Diineede
Isagaba bad baa laga tgey naarna lagu tuurye
Kanna taakadaasaw hadhoo waa tukubayaaye
Allahayow mid oogada jirka aad insiga mooddo
Allahayow misana aan ahayn awliyana sheegta
Lix hal oo u wada gaar ahaa gocanayaa mooyi

Cabdillaahi MUUSE
Geelaa markuu dararan yahay laba nin duugtaaye
Wax kaloo la darandoorriyaa damac ma yeeshaane
Naag yahay Dannodbaa u weyn harada Doolloode
Iyaba waa diqawdaa haddaan la isu diidayne
Doqontii ku yeeshaa wuxuun lagu dabiibaaye
Anigoon ku dirin waadigii damaca waallaaye
Dayday haddaan kuu fasaxay debed wareeggiiye
Inkastuu dhabcaal gudhan yahay uu dharabo kuu diido
Isagoo dharaar maqan kuluu dumar wax kuu dhiibo
Dhanaad uga dhacdaba maal ku xiga waad dhadhamisae
Fidno Eebbahay noo abuur farana noo yeelye
Nin Fallaago doontaaba waa Finish garoobaaye
Cabdi "Gahayr"
Qabiiligu ha loollamo sidii laba quruumoode
Qabno iyo laxaad lama gudbanid qaranka daa'uude
Sidii Eebbahay kuu qadshaan kaaga qaanacaye
Waxa qiimigiinnii beddeley waa qadoodiga'e
Qiyaamii ifkuu idinku helay qiranna maysaane
Dagaalkii Jidbaaleba ninkaa joogay baan ahaye
Weligeyba meel lagu jabaan jiqilla weynaaye
Ilaahay i jecelaa muxuu jirey arwaaxayga
Layliguba geediga horuu laban lagdoodaaye
Kolse hadii hayaan loo lalabo leexay dabadeede
Laf-dhan jananka diidaa xabsiguu liinta ku cabaaye
Rabbaw yaa dantaa luud yidhaa loox yaraa tahaye
Lix kun iyo lix boqol iyo lixdaan laabta ku hayaaye
Lixdan baan jiraa yaan indhaha laydhi kaa marine
Geeluba Ugaasooy hadduu ayda miranaayo
Abeerkiisa naaxiyo hadduu aaranku is waayo
Isaguba ma kala aamusee waysu ololaaye
Nin qatani nin qada haysta waa inu ka qaadaaye
Qasnadaha harraatiya wuxuunbaa ka soo qubanne
Dabbaal niman aqoon ceel dad-liqi wa digsiin jiraye
Maantana dugaaggii miyaa dacawadii laayey
Maxamuud Qaloonbi
Waxan ahay nin guna ooy nin goba gacal wadaagaane
Geed-geed ku maran baan ahiyo lama garaacaane
Haween lacag ma diidaan haddii hoo la leeyahaye
Guuleed Dhoolla-Yare
Waqtigay hayee jadamiyoow kuma wareersheene
Walaal kuma idhaahdeen intaan wiiqa soo dhigo'e
Saalax Lay-Diray
Allahayoow muxuu Ferenjigii nacas fariideeyey
Nimaan aabihiis fuuli jirin Faras muxuu saaray
Cismaan Indhoole
Bal Ogoow addoomaha ilaah kala ayaan roone
Sida adhiigu Geela iyo Fardaha uga itaal liito
Ama Gubanku Oogada ka yahay adhaxda jiilaalka
Annaga Eebahay naga koryeel uumiyaa kale'e
Dirir Warsame
Madi cararta maqasheeda koris minawsan baa dhaanta
Xididkii an maamuus lahayn malihi baa dhaanta
Marwo Camal xun Maangaab ninkeed maqasha baa dhaanta
Muslinnimo ninkaan kuula socon muumminnimo khaasa
Gaal maxasta kuu dhawra ood magansataa dhaama
Nuur-jiir Xirsi Faarax (Og)
Ninkii Faro yaraan igu tuhmay talo ka hoostaaye
Libaaxuba Dhurwaa Toban kunuu Tulud ka qaadaaye
Ma ragbaa la tiriyaa hadduu toban wax dheeraado
Aadan Carab
Ha karaama seegina habaar laygu kari waaye
Maxamed Mooge Liibaan
Waxan ahay nin waayaha adduun wax uga nuuraane
 Waxyi iguma soo dego haddana wax ima seegaane
Qamaan BULXAN
Baadida nibaa kua deydeyi daalna kaa badine
Oon doonahayn inad heshana daa'in abidkaaye
Dadkuna moodi duul wada dhashoon wax u dahsoonayne
Dalla malaha aakharo haddii loo kitaab dayo'e
Daabaca ninkii kugu dhuftee daabka kuu celiya
Iyo kii duleedsheey ku yidhi wax isma doorshaane
Inantii ganbada loo xidhee gacanta loo maydhay
Ee gelisey meeshii hadana gabaygu sow maaha
Ismail Mire
Ragoow Kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado
CALI DHUUX
Doqonkii Ogaadeen ahaa Doollo laga qaadye
Haddii dherer wax taro naagahaa dhicin lahaa geele
Ayaba aabahoodoo dhintay dhaxal ka waayaane
Allaahu Akbar eedaanku waa kaa afkiyo beene
Ashahaaday gaalkubase waa ehelu naarkiiye
Waa lagu digtaa ruux hadduu kuu darraan jiraye
Bal dayaay wadaadkii wakaas sii dabayshadaye