Nimanbaa
Maxamed Nuur fadal, (HJ).
Gabaygan oo aan dhammayn ma hubo sababta abwaanku u tirshey waxaanse filayaa inuu ka tirshey waagii Ingiriis xeerkii Naydhafka ku soo rogey East Africa ee Soomalida la yidhi Bidoodkaad la mansab tihiin. Xeerkaas ma meel marin oo waatii laga gilgishey.
Nimanbaa tolnimadii Isaaq taababkaw jaraye
Kala tuure xaajada markii taabsin loo jiraye
Bil dhanbaanu teendhiyo xafiis toogasho ahayne
Tisciin iyo lag bay xoolihii tegey ahaayeene
Tubta Ciidagale, reer Mataan, timaha Guuleeda
Tolka Boqorka nimankii lahaa tebey halkoodiiye
Tumbushii Xirsi Cismaan haddaan taarka ugu jiido
Way toosin xaajada halkay tuur ku leedahaye
Tuncunka iyo Saarkii Ilaah nagu tabaaleeye
Malaa tuurin baa gelin jirteen lagu taxaabaaye
Annagu taag u weynaye raggii tumi jiruu sheega
|