Shiinley
Maxamed Dheeg, (Ciidagale)
Waa silsiladdii shiinleyda gabaygeedii labaad oo abwaanku isna u dirayo Hadraawi.
Wuxu yidhi DHeeg;
Shirbo iyo cayaar bay ahayd shalayto deelley'e
Kumanyaalki ShooxBoole ee Shaacirka is moodey
Shan midhlii xaskuu galay markii shiinka loo rogaye
Ilaahay Jannadi haw sharraxo sharafka weyneyde
Marxuumki Geenyaduu shirrabay ee shalaw abraareysey
Meeshuu shakamadda ugu xidhay uu sheega yidhi meeday
Bal maxaa shib loo yidhi sow su'aal sharadi may oollin
Afartaa ma shalansheelliyee Shiinku waa LABA'e
Mid kalena waa digniin shaafiya oo waa shuruud adage
Nin geeraar Shaxaad uu ku helay shir isla soo taagey
Iyo Shuqyareey Heesba waa laga shisheeyaaye
Shafkay hays daraan ragay cadyiin shaarubaa sare'e
Shacaab iyo Dhadhaabay murtidi shay dhexyaal tahaye
Shaki waxan lahayn inu tixyare sheexa ka lahaanne
Shaqlayee Hadraawoow haddana waad i sheel garanne
Nin Shahiid ah oo ila yaqaan shiishka waa adiye
Shaxdi samada lagu dheelayee shaacirku horseeday
Sheekh Alloow bal an wada degnee igula sheekayso
Shiigiibaa la gaadhiyo waqtiguu sheegay Nebigiiye(NNKH)
Shaacii guduutaba la maqal sheeko goonniyahe
Shirix-yare Atoorkii ka baqay Aarka shaashka lehe
Shafweynow Maroodigi wax diley galabta shuuqshuuqe
Waxa Bisadi Jiir uga shakiday ee shay kale u mooddey
Shalayba way cunaysee waxay maanta uga shaacday
Ee baqaha shuushka ah ku ridey sheeg haddaad garato
Guga sheexay fadadkani shiray iyo Waqalka sheemaaya
Onkod shululugleeya iyo Hillaac shaacyo bixinaaya
ee shagagaxdaasuun haya ee shubaya een qaadin
Misna ciiddi kore aan rushayn sheeg haddaad garato
Doogga shirixa dhaafiyo Lawga ee shanshada gaadhay
Shaarubaana xoolii la'yiin shey ay geliyaanba
Gool shidhadi waxa weyd ka dhigay sheeg haddaad garato
Shil ma helin duqdii mana ay dhiman shaadhna loo geliye
Ayadoo shaahid loo wada arkay shaambisaa weliye
Shanshadeeda ruuxii necbaa ee sheega la afduubye
Waxa Shooki loo dhigay Waddani sheeg haddaad garato
Shuucigu waa khiyaamaynayeen shacabka waagiiye
Show waa madhnaa Naxashki aad daba shallaaddeene
Misna shey la aas aan la tebin shaqalla saarnaaye
Xabaashii wixii lagu shakimay sheeg haddaad garato
Duulka shilin wax qaataba adduun shaxinoo qudhahe
ee inay shuraako u yihiin sheekh iskugu dhaartay
Waxay shuushta soo wada hayaan shamici jilaalba
Goortii shinkeedii go'ee candhada shaaca ka caddaysay
Ninka intu shakaal bir ah ku xidhay gaar isaga sheegtay
ee shuyuukh la soo ergistiyo baryiyo sheeko mari weydey
Haddaan sharadi qiiqayn asan ibleys shalaw ka tuureynin
Isba shar iyo haydaar Timaha uma shanlaysteene
Shifo iyo lagala quusaydii shuqulku weeyaane
Mar hadday Shan-boolo iyo Khamaar shu' iyo yeedh jooto
Shuf hasykaba tiraahdii doonidaba jebi shiraaqeeda
Shaywaal markuu tuurayaan anigu sheelsheelin
Waxa sharafahee igala shiman noloshu ii sheega
Shucuur taas sansaankeed lehbaan sheeda ka arkaaye
Maskax labada wada shaafidoo shuushka ka afuufta
Sharxigana u wada foori layd sheeg haddaad garato
Shalawgaba Riyuhu waa lugtood waxay sharaystaane
Nin shil helay gacmii labada dhaban shawr iskugu geeya
Oo shani ha joogtee midduu sheegan jiray waayey
Oo qaylo shaaraca la tegey laguna soo sheemay
Halka uu u shabin duullimaad sheeg haddaad garato
Shebegga iyo dabinkii la dhigay sheydo geli waaye
Shuuqsigii wax loo kala wadiyo shaag is rogi waaye
Inta shooladee uu baqtiyey shamici nuuraayey
ee aan dib loo shidanahayn sheeg haddaad garato
Ninka nabadda shaanshaan ku maqan mara shullaa geeyey
Sheekada khayaaliga raggaa shubaya ee jiifa
Goortay shadaaftiyo go'iyo shaadhka sare tuuri
Shaqaaqadana qaybtiisa heli sheeg haddaad garato
Shafka-reenka hoosiyo nacliga uurka lagu sheelay
Iyo qosolka sheeda ah ee dibnaa sheeshka laga qaaday
Iyo shuqulka aabihii dhintee lala shuglaynaayo
Shawahaaddu waa meel kalee sheeg haddaad garato
Sharcigii islaamkoo la sugay oo lagu shaqaynaayo
Maxkamadahana sheekh caadil ahi shubaya aayaadka
Ooy shaadir xidhan yiin hablii shacabka yaacaayey
Shukri mahad dadkoo wada naqoo ku shuxay Tawxiidku
Shinmaa la arkayaa lama qarsado shaanbad kugu taalle
|