Xigmad
Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadhere" (HJ):
Xikmad, (1969)
Xikmad iyo xamaasadiyo talo iyo xeelad iyo waano
Xarfaan hadashay weligoodba ways xaraf yaqaannaane
Dar uun bays xabeebshood golaha kaga xanaaqdaaye
Xiiq baaba layskugu dhintee maan xogtaba sheego
Xeedhada gunteedaba wixii ku xadfan maan gaadho
Xukun raagey xaal wada jirjira xaajo bixi weydey
Gartoo xidhantay, Xeerbeegtidoo qolo la xaagaanle
Xafiis adiga kugu raakib ah iyo Xaakin kula dooda
Xabbadda baa ka yididiilo roon la isku xooraaye
Wax Xadkaaga lagu daafacaa xeebasho la'aane
Ma xayaado Qaran Dawladoo xagasha laabtaaye
Xoolaha marka uu kaa dhacee xarunta kaa qaado
Rag ninkaan xanuunkaagu dhibin xaaska kugu maagye
Nin haddaad ku xaman eedda waa lagu xariiraaye
Xildhibaanka Soomalidoow waad xadgudubteene
Xaqii baad ka booddeen kolkaad xubinta hayseene
Idinkoo Xagaafkii arka baad jar iska xoorteene
Xigtannimada loo wada fadhiyo xaafaddiyo suuqa
Xanta xoose xagal-reeciska iyo xeebashada Sawdka
Xaqiiqoowdey Talia(Italia) inaad qaar la xididdeene
Xurmo Seeddi iyo Qoysnimaad kaga xishooteene
Haddaydnaan is xila-guursanayn Xamar ma joogeene
Xarrigaada baarkiyo hablaha lala xublaynaayo
wax ku xigey Xawaal Baadderi aad shalayto xaadheene
Waxba yuu annaga noo xadrayn xaaji feydaniye
Waxba yaan wasiir xiimayaa xeeb u dhaadhicine
Waxba yaaan xawaalad iyo jeeg lala xawaarayne
Waxba yaanu Radiyowga xamar dhab u xayaysiine
Ninna maanta xiiso uma qabo xaafidkii hore'e
Dhaaxaad ku xawxawsateen xoolo booliyahe
Nin walboow xusuusnoow dhaqsaa loo xisaabtamiye
|