Gaarriye
Maxamed Xaashi Dhamac "Gaariye", (HA)
Maansadani waa tii labaad ee Abwaanka weyn ee Maxamed Xaashi Dhamac "Gaarriye" ugu jawaabay nin baweynta Deelleyda iska soo muquurtay oo uu uga baqay inay mawjadaha maansadu Hafiyaan. Ninkaas oo difaacayey Adeerkii Afweyne wuxu tirshey wuxuu ku magacaabay Deelley oo aan dux lahayn hase ahaatee difaacaysey dulmigii waddanka markaas ka jirey.
Gaarriye wuxu yidhi isaga oo axadkaa yaraysanaya.
Dood wali tixraaceed
Daad waliba taagtii
Duddo wali yagleelkeed
Sabo waliba daaqeed
Damiir wali canaantii
Dawan waliba yeedhii
Dacar wali hulaaqeed
Deelleydu waa shaxe
ninba waa godkuu dego
Dig dheh Faraski Doolaal
Mar labaad ha dananee
majaraha u sii daa
Hadraawoow ku soo durug
Malmal iyo dabqaad keen
Ila didi abeesyada
Dib-ka-naaxa laba kacay
Iyo diradiraaluhu
Yuu innoo dardaar werin
Dumbuqeenna shiishka leh
Duwi mayno weligeen
dad hadduu is toydona
danyarbaa sokeeya leh
Dugsigeennu wayaga
Ifkaan daaray waakaa
Dalka iyo Jaboutiba
ragga iga danbeeyaa
Kolba dogob ha saaree
Colka wadhaf ma lagu deyey
Deji oo rogaal celi
Dulmar weeye ee garo
Kadantii duqeedii
lagu yidhi ragbaa dilay
Ee aan Ma-Diiddada
Garan duurxulkeedee
Dhaqso loo dumaalee
Dadabtiyo arooskii
ayadoo dabbaal dega
Ninkay duugtey soo galay
Ma inay is dooxdoo
Shaamareer dayowdaa
waxan uga dan lee yahay
Cirka Danab ka soo dhacay
dabka fiday kamuu iman
Digaa hoos ka noolayd
Degdeg iyo hubsiinona
mid kastaaba duuggeed
Afartaa dheh deelleey
Deji oo rogaal celi
gabbal dumay habeennimo
Dayaxiyo Cadceeddii
Inuu damiyey moodee
carshigeedi degayee
isagoon digniin qabin
Kolkii waagu daalacay
Casilaadda loo diray
Ma inuu dudaayoo
hadba doc isu qaadaa
Belo waa danbaysaa
Durba fadalku waa maxay
Nin Muraayad daawaday
Foolxumo is diidsiin
kuma doorin karayee
Ma inuu dillaacaa
Duxda hadalku meel lehe
Dusha boogta laga dhayo
aan mililka loo degin
Dawadeeda lama helo
Darbbaddii qabiilkiyo
Hadduu doogtey nabarkii
Gacantii wax duugtaay
Dufan baad u baahnayd
Afartaa dheh Deelleey
Deji oo rogaal celi
maska xuub-dillaacsaday
Dabarkiyo Mareegtii
Dar Ilaahay uma furin
Goortuu Ris daaqee
Dildiluu maqaarkiyo
???
Ka dallacay hugiisii
Waa duluc ujeeddo leh
war jiraa dareenkii
danyareey wax garadkaa
Intaa tahay darkaa madhan
Ee layska dawdabo
darxumada ku nooloow
Anna aan dagaallamo
Afartaa dheh deelley
Deji oo rogaal celi
Xididdada dawaafka ah
ee hoos u daadegey
dhulka uma dalxiis tegin
Dantoodaa fogeysoo
diga-rogashadoodii
Didibkay qasbeenee
Dardar iyo awoodbay
GebiyadaKu dumiyeen
Buuraha ku didiyeen?
Waa duluc ujeeddo leh
Daganeey Qabiilkiyo
Kala Firidhku deyr iyo
Derbi adag hadduu yahay
kuu diidey socodkii
Intaad duluglahaa tahay
dabatada ku nooloow
Waa daabac kugu yaal
Ha la daayo iyo Hees
Duco iyo habaar iyo
Amar Dawlo kuma baxo
Diburaac tusaalaha
Inta ciiddu dihintahay
dhaqaaluhu daleel yaal
dadna kala sed roon yahay
weligaaba duudduub
Dusha ubax ka saarsaar
dakhar waa halkiisii
|